WAKIILADA GOLAHA SHACABKA
KU SOO DHAWAADA XAFIISKA WAKIILADA SHACABKA EE GOBOLKA MUDUG
Tilmaan
Xaggee ku yaal: Xafiska Wakiilka Golayaasha: Markaad joogtid Bartanka Ex: Xero Daraawiish , dhinaca koonfureed ee Dhismaha wayn ee Somsat,
SAWIRKA GOLAHA SHACABKA QAARKOOD
Ogaysiis Muhiim ah
Dadwaynaha gobolka Mudug ee Xafiiska Wakiilada Shacabku waxay ku ogaysiinayaan inaad usoo gudbisato wixii cabasho ah , talo ah , tusaale ah iyo wax walboo aad hayso adigoo kusoo diraya email: wakgolayasha@yahoo.com ama wakgolayasha@hotmail.com
Wixiii Warar ah ee kusoo Kordha Xafiiska Wakiilada ka daaloco Hoos
I like to play soccer and to draw. I like to taste test the cookies when my mom or my grandma makes them.
waxaan jelahay inaan qabto ama noqdo xidig xaga kubada ah
sidoo kele waxaan jeclahay inaan noqdo horyaalka chesska somaliya
XAFLADII FURITAANKA XAFIISKA GOLAHA SHACABKA MAGAALADA GALKACYO
Xafiiskii ugu horeeyey ee golaha shacabka dowlada goboleedka Puntland ay ka furaan meel ka baxsan xarunta Puntland ee Garoowe ayaa laga furay magaalada Gaalkacyo .
waxaa xafiiskaan wakiil ka ah xildhibaan Xirsi Cabdi Oog figrada furitaankiisana lahaa.
Gaalkacyo: Golaha Wakiillada Puntland oo Xafiiskii ugu horeeyay ka furtay Gobolka Mudug - Tuesday, May 03, 2005 at 17:58
Gaalkacyo (AllPuntland)-
Xafiiskii ugu horeeyay ee ay leeyihiin baarlamaanka Dawlad goboleekda Puntland ayaa markii ugu horaysay laga furay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Xafladdii xafiiskan irdaha loogu furayay waxaa goob joog ka ahaa xildhibaanno kala duwan oo katirsan guddiga joogtada ah ee baarlamaanka Puntland oo uu horkacayo guddoomiye kuxigeenka labaad ee baarlamaanka Puntland , waxaa kaloo ka mid ah masuuliyiinta gobolka , degmada , booliska iyo marti sharaf kale.
Xafiiskan Irdaha loo furay ayaa waxaa wakiil ka noqon doona Xildhibaan Xirsi Cabdi Oog oo kamid ah xildhibaanda Puntland wuxuuna xafiiskan isku xiri doonaa shacabka gobolka Mudug iyo baarlamaanka Puntland.
Ugu horayn waxaa hadal furitaan kasoo jeediyay xafladdii maanta guddoomiyaha gobolka Mudug oo soo dhaweeyay in shacabka gobolka Mudug ay markii ugu horeeyay yeesheen meel ay baarlamaanka kala xiriiraan.
Xildhibaan Oog wuxuu sheegay in Xafiiskan ay fureen kadib markii ay ogaadeen in dhacdooyin badan ay dhici karaan inta aan ka ahayn labada jeer ee ay caadiyan u kulmaan baarlamaanku sidaa daraadeedna xafiiskan uu isku xiri doono shacabka iyo baarlamaanka .
Guddoomiyaha degmada Gaalkayco Xuseen Jaamac Yabaq oo asagu hadalkiisu ubadnaa cabasho kusaabsan dhismayaasha sharci darada ah iyo waliba waxqabad la'aanta hay'adaha caalamiga ah oo sheega in gobolka Mudug uu yahay bahallo galeen , hay'aduhuna aysan soo dhaafin magaalada Buurtinle.
Cabashada Xuseen Jamaac waxaa u qiil sameeyay Xildhibaan Xuseen Maxamed Cigaal oo halkasi hadal dheer kasoo jeediyay, Mud: Cigaal wuxuu xusay in gobolka Mudug fursaddii ugu horaysay ay heleen oo baarlamaanka Puntland ay si toos ah ula xiriiri karaan.
Xuseen Maxamed Cigaal wuxuu dadka ku waaniyay inay xafiiskan la shaqeeyaan isla markaana cabashooyinkooda ay halkaasi geeyaan.
Guddoomiyaha Maxkamadda Puntland C/qaadir Shiikh Axmed ayaa sidoo kale halkaasi ka hadlay , wuxuuna asagu diiradda saarayay dhibaatooyinka ka Jira bulshada iyo maamullada gobollada dhexdooda.
Wuxuu sheegay in maamullada iyo degmooyinkoodaba aysan si fiican uwada shaqayn oo ay dacaayado dhex marto , wuxuu codsaday in haddii aysan maamullada gobollada iyo degmooyinku wada shaqayn aysan waxba bulshada u hagaagayn
Dhinaca dhismayaasha mar uu ka hadlayay ayuu sheegay in dhibaatada dhismayaasha sharci darada ah inay ka taagantahay Puntland oo dhan , hase ahaatee loo baahanyahay booliska iyo minishiibiyadu wax kaqabtaan inta aysan maxkamadda sare soo gaarin.
Guddoomiyuhu wuxuu sheegay inuu qoraal u gudbiyay madaxwaynaha Puntland oo kaca codsanayo inuu xeer u gaara kasoo saaro dhibaatooyinka dhulalka.
Xildhibaanada goob joogga ka ahaa furitaanka Xafiiskan waxaa kamid ahaa:- Mahdi Maxamed Muuse, Xuseen Yaasiin Diiriye,C /laahi Xuseen Ilkoyare, Xirsi Cabdi Oog iyo Xuseen Maxamed Cigaal;
CC.Farayaamo
AllPuntland
www.allpuntland.com